Garsoore amar ku bixiyay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Peru xabsiga lagu sii hayo

Garsoore ku sugan dalka Peru ayaa amar ku bixiyay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Pedro Castillo lagu sii hayo xabsiga ugu yaraan toddobo maalmood, iyadoo la baarayo eedeymo la xiriira inuu shirqool maleegay.

Mr Castillo ayaa waxaa xilka ka qaaday Congress-ka Arbacadii ka did markii lagu eedeeyay inuu sharciga dalkaasi baal-maray.

Dalka Peru ayaa yeeshay madaxweyne dumar ah markii ugu horreysay, ka dib markii madaxweynihii hore ee Pedro Castillo xilka laga qaaday – tallaabadaas oo timid saacado ka dib markii uu isku dayay inuu kala diro baarlamaanka.

Gelinkii hore ee maalinimada ee xiliga dalkaasi, Castillo ayaa wuxuu sheegay inuu Congress-ka ku beddelayo “dawlad degdeg ah oo gaar ah”.

Balse xildhibaannada ayaa iska dhego tiray arrintan, waxaana ay shir degdeg ah oo ay yeesheen xilka uga qaadeen madaxweynahooda. Durbadiiba Castillo waa la xiray oo waxaa lagu eedeeyay jabhadnimo.

Boluarte oo ah qareen 60 jir ah, ayaa sheegtay inay xukunka hayn doonto ilaa bisha July ee sanadka 2026-ka, markaas oo uu dhammaan lahaa waqtiga madaxweyne Castillo.

Mar ay hadlaysay dhaarinta kadib, ayay ku baaqday in la sameeyo heshiis siyaasadeed, si loogga gudbo dhibaatada dalka ka jirta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker