Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ooJabuuti ku Kulmay
Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa markii koowaad si fool ka fool ah wadasheekeysi u yeeshay kadib doorashadii May, 15, 2022. Xaflad meher oo ka dhacdey Jabuuti ayaa kulmisay Hassan Sheikh Mohamud iyo Muse Bihi Abdi. Bishii September, labada masuul ayaa hawada hadalo isku mariyey. Horaantii bishan, labadooda xafiis ayaa siyaabo kala dhawan u taageeray dib-u-bilaabida wadahadaladda.