Xisbiga Kulmiye ayaa qorshaynaya in dhawaan la qabto shirweyweynihii golaha dhexe

Xisbiga Kulmiye ayaa qorshaynaya in dhawaan la qabto shirweyweynihii golaha dhexe oo ay ahayd inuu qabsoomo bishii December ee sanadkii 2021.

Qorshe loo dhigayo habkii loo wajihi lahaa shirweynaha golaha dhexe ayaanu daaran yahay kulanka guclo orodka ah ee Muuse Biixi ugu tagay madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Wararku waxay sheegayaan in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye la qorshaynaya in lagu cumaamadi doono Maxamed Kaahin oo la wareegi doona hogaanka xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale shacabka ayaa faallooyin taban ka bixinaya sawiradii ugu danbeeyey ee laga soo qaaday Muuse Biixi kuwaas oo muujinaya isbadel weyn oo jidheed oo ku yimid madaxweynaha wakhtigiisii sharciga ahaa dhamaystay.

Sideed u aragtaa sawirada madaxweynaha laga soo qaaday, maxaadse ka filaysaa shirka golaha dhexe ee Kulmiye?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker