Beesha Caalamka Oo ku shiraya Nairobi kuwaas oo naaqishaya goaankii ay ka qaadan lahaayeen Muuse Biixi.

beesha caalamka ayaa dedaal ku bixinaysa inay Muuse Biixi ka dhigan sanduuqa uu tunka ku sito ee codbixinta oo guuldarada albaabka ku garaacaysaa uu diiday inuu dhulka dhigo.

wararku waxay sheegayaan in safiirada caalamku ay Muuse Biixi u gudbiyeen inuu kala doorto doorashada madaxtooyada oo kaligeed la qabto iyo doorasho isku sidkan.

sidoo kale warar soo baxay ayaa xaqiijiyey in Muuse Biixi uu telefanada ka xidhay safiirka midawga Yurub taas oo la soo xidhiidhay wasiirka arimaha dibeda oo ay ku wargelisay habdhaqanka foosha xun ee Muuse Biixi muujinayo.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa been u sheegay safiirada Denmark iyo Norway oo uu Kula balamay inuu la kulmayo balse markii danbe uu kaga baxay, halka safiirka Ingiriisku ay Hargeysa kaga baxday cadho ay ka qaaday sida uu u dhaqmayo Muuse Biixi-ga wakhtigiisii dhamaystay ee sharcidarada ku jooga xafiiska.

dhinaca kale Wasiirka arimaha dibeda ayaa caqabado ka wajahaya talaabooyinka Muuse Biixi qaadayo ee sii siqiirinaya dimuqraadiyada iyo doorashooyinkii Somaliland, Dr. Ciise Kayd ayaa laga soo xigtay inuu khaatiyaan ka joogo dareenada taban ee caalamku ka muujinaya habdhaqanka Muuse Biixi.

Safiirada caalamka ayaa haatan ku shiraya Nairobi kuwaas oo naaqishaya goaankii ay ka qaadan lahaayeen Muuse Biixi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker