Deegaankii lagu dhisay Boqortooyada Sucuudiga oo loo aqoonsaday goob taariikhi ah
Guryaha dhoobada ah, masaajidda iyo guryaha At-Turaif, ayaa u ah udub dhexaad taariikhda Sacuudi Carabiya.
Waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee Boqortooyada Sucuudiga lagu aasaasay, in ka badan laba boqol iyo konton sano ka hor.
Fikirka Wahaabiisimka ee diinta Islaamka – oo mar awood u lahayd sida Boqortooyada, laakiin haatan aad loo shiiqiyey – ayaa iyadana halkan laga gudbin jiray fariimahooda.
Dib u naqshadeynta gobolka Najd, ayaa wuxuu ku badbaaday guryihii hore ee ugu fiicnaa ee deegaanka.
Hey’adda UNESCO, ayaa waxay ku dartay liiska dhaxalka adduunka guryahan.
Laakiin sannado badan, goobtu waxay ahayd deegaan la dayacay, oo burburay – maadaama dalxiisku uu ahaa mid aan ka jirin Sucuudiga.
Sannadihii u dambeeyay, ayaa arrimahani wax badan ay iska badaleen.
At-Turaif ayaa hadda looggu tala galay iney noqoto goob muhiim ah, oo laga hirgaliyo mashaariic horumarineed.
Mashaariicdan, ayaa waxa ku bixi doona balaayiin doollar, iyadoo katirsan degmada Diriyah – iyadoo xudun u noqon doonta dalxiisayaasha, halka dhanka kalana ay noqoneyso halka shucladda u sida boqortooyada Sucuudiga.