Ciidamo kumanaan gaadhaya oo isku gadaamay magaalo ku taalla dalka El Salvador

Ku dhawaad​​10,000 oo askari, ayaa isku gadaamay magaalada Soyapango ee dalka El Salvador, kuwaasoo qeyb ka ah howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha burcadda ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Nayib Bukele.

Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, waxaana ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay guryaha ka baarayeen rag burcad ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale joojinayay qof kasta oo isku dayaya inuu ka baxo magaalada, iyagoo hubinaya waraaqaha aqoonsiga.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalo ballaaran oo lagu baacsanayo kooxaha burcadda ah, kadib markii ay bateen rabshado horraantii sanadkan.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in ilaa hadda la xiray 12 qof.

Soyapango, waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn El Salvador, waxaana ku nool in ka badan 290,000 oo qof.

Magaalada – oo ku taal 13 km (8 mayl) galbeed ee caasimadda San Salvador – ayaa muddo dheer loo aqoonsan yahay inay tahay xudunta dhaqdhaqaaqa burcadda.

“Illaa hadda, degmada Soyapango gabi ahaanba waa lagu hareereysan tahay,” Madaxweyne Bukele ayaa sidaasi ku soo qoray Twitter.

“Kooxaha soo saarista booliiska iyo ciidamada waxaa loo xilsaaray inay mid mid u soo saaraan dhammaan xubnaha burcadda ah ee weli halkaas ku sugan.”

Waxa uu intaasi ku daray in dadka caadiga ah “aysan jirin wax ay ka cabsadaan jirin” wuxuuna sheegay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin “Howlgalka ka dhanka ah dambiilayaasha, ee aan lgu wax yeelley neyn muwaadiniinta daacadda ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker