DOORASHADA KA HOR ARAGTIYAHII AAN KA QABAY MADAXWEYNE BIIXI MAXAA ISKA BEDDELAY?XAALKU SE HADDA WAA SIDEE? Qaybtii labaad.

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
B. JAAN-GOOYADA QORSHE DUBLAAMIYADDEED OO DALKA IYO DADKA BA ANFACA WAY BAAL MARTAY XUKUUMADDU.
Fahanka dhaqdhaqaayada siyaasad-dhaqaale-ammaan ee guud ahaan gobolka gaar ahaanna Geeska ayaa jaan-goynaya go’aannada dublamaasiyaddeed ee Somaliland qaadanayso. Inkasta oo in dhaweyd xagga dheesha siyaasadda debedda aad mooddo in Soomaaliya ay ka dhaqdhaqaaq badatay, kaga na xoog badatay, taasina aragtiinkayga waxa keenay in uu jiro diyaar garow la’aan dawladnimo adeegsata hannaan maamul oo casri ah, la na jaan-qaadi kara dunida dublamaasiyadda ee danahu hoggaamiyaan.
September 11. Dhacdadii dumintii daarihii dhaadheeraa ee Maraykan waxa ay beddeshay Kaalkulastii juquraafi siyaasaddeed ee dunida “Global Geopolitical calculus” waxa aanay noqotay markii ugu horreysay ee xariiqa rabitaanka Geeska Afrika uu madaxa la soo kacay. Sannaddii 2015 ayuu halkii ugu sarreysay gaadhay rabitaanka dunidu rabto guud ahaan Geeska gaar ahaanna, waddamada la jeedka gacanka cadmeed ama badda cas/ bad weynta Hindiya.
      Dano siyaasadeed, kuwa ammaan iyo qaar dhaqaale oo aynaan u diyaar garoobin habkii aan uga faa’iidaysan lahayn ayuun baan ku baraarugnay iyaga oo inna dul hoganaya. Somaliland waxa ay la kulantay fursad wakhtigu keenay, gaar ahaanna xukuumadda M. Biixi oo hadda aad mooddo in wakhtiga ugu badan ay arrimaha gudaha geliso xilli loo baahnaa in fiiro gaar ah loo yeesho arrimaha debedda, xidhiidhada calaamiga ah iyo danaha dhaqaale ee dawladaha shisheeye.
Dawladahan aan hoos ku taxi doono mid kastaa dan weyn ayay innaga leedahay, kala xulashada saaxiibtinimadooduna waa arrin Iyana xeel u baahan. Waxa ka mid ah; Maraykanka, Ruushka, Hindiya, Sucuudiga, Gadar, isu-tagga-imaaraadka, Turkiga, Israa’il, Koonfurta Afrika iyo Masar. Midkastana dan gaar ah oo ay innaga leedahay ayaa jirta, waxa na habboon cadaawad diblomaasiyaddeed in aan aad uga dheeraanno innaga oo danaheenna dhowrannayna.
Hadalkii Madaxweyne Biixi ee eedeyntii Dawladda Gadar cadaawad ma ogi’e wax dheef ah oo aan Qaran ahaan ka heli karnaa iima muuqato. Haddii aan la heshiino Imaaraadka macneheedu maaha in aan Gadar col nahay, haddii aanay Imaaraadku shuruud kaga dhigin madaxweyneheenna, taasi oo iyada lafteedu ah mid lid ku ah garashada feyow iyo kasmada hagaagsan. Halkaana waxa laga dheegi karaa in siyaasadda arrimo debeddeed go’aannada xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ka gaadhaysaana ay yihiin kuwo laga fahmi karo qabyo badan iyo macluumaad yaraan. Waxa aanan qabaa haddii ay xukuumaddu dersi lahayd arrimaha hoos ku xusan in ay gegada duplomaasiyaddeed guulo waaweyn oo dadka iyo dalku ba ku badhaadhaan ka soo hoyn lahayd. Arrimahaa fahanka dheeriga ah innaaga baahnaa waxa ka mid ahaa;
I. Dagaalka argagixisada ee caalamiga iyo hawl-gallada Geeska. Global War on terror.  Hawl-gallada ururada argagixiso ee gobolka, kuwaas oo heer caalami ah, saameyntooduna dunida wada gaadhay, isla markaa sheegtay falal argagixisanimo oo dunida daafaheeda ka dhacay. Sida; Qaraxyadii safaaradihii Maraykan ee Dara-salam iyo Nairobi. Hadda ba dheefta ciidan ee la dagaallanka argagixisada Somaliland wax ba kama soo gaadhaan, dhibkooda mooyaane. Ciidanka Somaliland na waxa ay dhowraan xuduudka Ethiopia iyo Djibouti kaasi oo beddelkiisa aanay wax ba ka dheefin. Sida oo kale waxa ay dhowraan xagga badda masaafo dheer. Taasi oo iyada lafteeda aanay wax ba ka dheefin. Hadda ba waxa loo baahan yahay xukuumad ku gorgortanta awooddeeda ciidan iyo saameynteeda siyaasaddeed ammaan ee Gobolka.
II. Saameyntii weerarradii budhcad baddeedka Soomaaliyeed. “The Impact of Somali piracy”
III. Dheelliga hoggaanka dunida ee Galbeed iyo Bari.  The future of the power/ Power transition.
IV. Ahmiyadda juquraafi siyaasadeed ee Shiinaha ee Geeska Afrika kaasi oo uu ibo-fur u yahay qorshaha “china’s New silk road” ama barnaamijka suun keliya iyo waddo keliya,  ee uu Shiinihu ku bixinayo adduunka dhan 1.trillion Dollar ee uu ku dhisayo 65ka waddan ee Afrika iyo Eeshiya ba iskugu jira waddooyinkooda, dekadahooda iyo khadadka tareennadooda. Intaas kaddib waxa lafo-gur u baahan heshiiska saldhigga ciidan ee Shiinuhu ka yagleelay Djibouti July 13. 2017. Kaasi oo farta ku fiiqaya siyaasadda ciidan ee Shiinaha ee ku aaddan rabitaankiisa qabsashada Afrika irriddii uu ka geli lahaa.
V. Loolanka u dhexeeya Turkiga iyo UAE ee Bad weynta Hindiya gaar ahaanna Soomaaliya ku kala adkaanshahoodu dhib iyo dheef labada ba Somaliland waa u keeni karaa, waxa aanay arrintaasi u baahan tahay ka fiirsasho badan iyo waayeelnimo diblomaasiyadeed in lagu jaan-gooyo.
VI. Geeska maxaa ka socda? Siday wax uga socdaan? Maxay saamayn innagu keeni karaan? Waa weydiimo inna dul hoganaya oo istaahil ku ah in wakhti la geliyo jawaab u helistooda. Geesku waa gobolka xilligan dunida ugu xasaasisan. Saddex dhinac ba, ammaan ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba. Mid kasta na Somaliland fursado ayaa ugu jira haddii la helo xukuumad ilbaxnimadeeda iyo aqoonteeda leh.
Suurto-galnimada halista ammaan ee argagixiso iyo muuqashadii budhcad baddeedda oo khatar gelisay badeecadaha iyo shiidaalka mara marin biyoodka Baabul-mandabka oo ah dariiq biyoodka isku xidha, Afrika,Yurub iyo Eeshiya. Arrimahani waxa ay sare u qaadeen Caymiskii maraakiibta iyo qiimihii ascaarta. Sidaa darteed, ayay waddanno badani ciidankoodii u soo dhoobeen gacanka cadmeed, badweynta Hindiya iyo badda Cas. Halkaana waxa laga oddorasi karaa guud ahaan danaha dhaqaale, ciidan ama ammaan ee gobolka geeska. Waxaana la soo gaadhay xilligii Somaliland ku gorgortami lahayd  istaraatejiyadda goobta ay dhacdo.
LA SOCO…

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker