Mareykanka oo u oggolaaday booliiska isticmaalista qalabka robot-ka wax dila

Guddiga gaara oo qaabilsan indha indheynta ciidamada booliiska ee San Francisco, ayaa u codeeyay in booliiska magaalada loo ogolaado inay isticmaalaan qalabka Robot-yada dadka dili kara.

Talaabadan ayaa u saamaxaysa booliiska inay isticmaalaan robot-yada la tacaali kara xaaladaha halista ah.

Guddiga magaaladani, ayaa BBC-da u sheegay inaysan hadda isticmaalin Robot-yada lagu rakibay hubka wax gumaada.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha guddiga ayaa intaa ku daray in mustaqbalka laga yaabo inay adeegsadaan Robot lagu rakibay hub, iyo kuwa wax dila.

“Robot-ka waxaa lagu rakibi karaa walxaha qarxa, ama qalabyada abuuri kara holac, si ay u jebiyaan dhufaysyo, si weyna loo xoojiyey oo aad u hubeysan,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Waxa uu intaa ku daray in Robot-ka “loo isticmaali karo in lagu wiiqo ama loogga hortago rabshadaha hubaysan, ama dadka lagu tuhunsan yahay khatar, ama kuwa khatarta ku ah nolosha bini’aadamka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker