Hoggaamiyihii hore ee dalka Shiinaha oo geeriyooday

Hogaamiyihii hore ee Shiinaha Jiang Zemin, oo xukunka qabtay ka dib mudaaharaadyadii fagaaraha Tiananmen, ayaa geeriyooday isagoo 96 jir ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu dhintay wax yar ka dib duhurnimadii Arbacada ee xilliga dalkaas.

Jiang waxa uu xukunka la wareegay ka dib markii 1989-kii uu dhiig badani daatay oo lagu qabqabtay dad mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing iyo hareeraheeda, taasoo keentay in Shiinaha laga takooro caalamka.

Dhacdadani waxa ay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker