Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga Oo Saacadaha Soo Socda Ku Wajahan Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaadhaan wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga.

Wafdigan waxaa kamid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana socda soo dhaweynta mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa Soomaaliya, gaar ahaan dhiggiisa wasaarradda difaaca ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinaysa ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker