Maxaa Ku Cusub Wararkii Ugu Dambeeyey Kulamada Hoose Ee Mid Walbaa Dhiniciisa U Qabsanayo Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI?
Magaalada Hargeysa waxa mar kale shalay goradda isku galiyey oo kulamo hoose u socdaan Guddiyada Fulinta ee Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI oo mid waliba dhinciisa kulamo xidhiidh ahi maalmihii ugu dambeeyey u socdeen iyada oo aan illaa imika la ogayn natiijada iyo nuxurka kulamadani daarran yihiin wakhti ay wali cakiran tahay siyaasadda Somaliland kadib khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta iyo dhammaadka muddo xileedka rasmiga ah ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Guddida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo si la mid ah sida KULMIYE kulamo xidhiidh ahi maalmihii ugu dambeeyey uga socdeen magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadleen ama arrimaha ugu waaweyn ee ay isla soo qaadeen ay ka mid ahaayeen go’aamada kama dambaysta ah ee Xisbigu ka qaadanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka siina xoojinayo mawaaqiftii uu hore uga qaatay Muddo kordhinta, dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo doorashada Ururradaba kuwaasi oo ay gaar ahaan hogaanka xisbigu guddi gaar ah u saaray sidii ay arrimahaasi mar walba uga shaqayn lahaayeen. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya kulankaasi u qabsoomay Shalay Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI in ay magacaabeen Guddi gaar ah oo ka hawl gali doonta isku dubba ridka hannaanka xisbigu u wajahayo doorashooyinka iyo ku dhegsanaanta mawaaqiftiisa hore iyaga oo sheegay in guddidaasi deegaamada Somaliland oo dhan ka hawl gali doonaan iskuba dubba ridi doonaan taageerayaasha xisbiga si ay doorashooyinka soo socda ugu guulaystaan xisbigoodu. Waxaana xusid mudan in guddidani sidoo kale ka hawl hali doonto abaabul lagaga soo hor jeedo muddo kordhintii Guurtida. Dhinaca kale xisbiga WADDANI waxa ay kulamadan kaga hadleen sidii ay uga war sugi lahaayeen tallaabooyinka ay qaadaan daneeyayaasha beesha caalamka ee siyaasadda Somaliland oo ay hore ula kulmeen kana sugaan waxa ay xaaladoodu noqoto.
Dhinaca xisbul xaakimka KULMIYE oo isna muddooyinkii dambe kulamo xidhiidh ah lahaa waxa ay Iyana ku hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen damacooda ku aaddan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashada Ururrada Siyaasaddu xisbiyada Mucaaridkana loogu qancin lahaa in ay doorashadaasi ka qayb galaan iyada oo aanay waddanka wax qalalaase siyaasadeed ahi ka dhicin. Waxa uu KULMIYE sidoo kale ku hawlan yahay abaabul dhinacyada taageerayaashiisa ah iyada oo guddiyo isku dubba rida hawlaha xisbiga la dardar galin doono kuwaasi oo gobolada dalka ka bilaabi doona sidii ay uga shaqayn lahaayeen dhaqan galinta mawaaqifta xisbigu ka taagan yahay khilaafaadka siyaasiga ah iyo sidoo kale in uu isku diyaarinayo sidii uu mar kale uga soo bixi lahaa doorashada Ururrada oo uu u noqon lahaa xisbi qaran taasi oo laga dareemayo kooxaha ka ag dhaw xisbiga oo durba bilaabay olole sida kaambaynka oo kale ah.