Guddoomiye Xinif oo Hortagay Golaha Guurtida
Guddoomiyaha Hay,adda Barakacayaasha Somaliland Cabdimariin Xinnif, ayaa looga yeedhay Golaha Guurtida Somaliland.
Masuuliyiinta Hay,addan, ayaa wax laga waydiiiyey Xeerka Barakacayaasha iyo Qoxoobtiga oo Golahaasi horyaalla muranna ka abuuray.
Su,aalo ayaa laga waydiiyey Guddoomiyaha xeerkan iyo arrimaha baro kacayaasha ,kuwaas oo ku taxaluqa xeerka la doonayo in loo sameeyo oo hore uga soo gudbay Wakiilada.