Salima Mukansanga oo taariikh ka sameysay Koobka Adduunka

Khubarada kubadda cagta ayaa sheegaya in Afrika ay si farxad leh u xasuusan doonto Koobka Adduunka ee FIFA 2022 sababo dhowr ah, waxaana ka mid ah in lagu soo daro Salima Radia Mukansanga, oo ah garsoore u dhalatay Rwanda oo lagu wado inay taariikhda ka samayso Qatar, iyadoo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee dhex dhexaadisa ciyaaraha Koobka Adduunka.

Wariyaha VOA James Butty ayaa Eddie Nsabimana, oo ah wariye ciyaaraha oo ka tirsan The New Times weydiiyay macluumaad ku saabsan Mukansanga iyo muhiimadda ay u leedahay kasoo muuqashada Koobka Adduunka ee FIFA 2022.

“Mukansanga waa garsoore heerka koowaad ah oo dumar ah oo u dhalatay Rwanda, muddo dheer ayayna garsoore aheyd. Waxay bilowday inay dhexdhexaadiso ciyaaraha kubbadda cagta iyadoo dhallinyaro ah, halkaasoo ay qabaneysay ciyaaraha heerka labaad in ka badan 10 sano” ayuu yiri Nsabimana oo intaas ku daray.

“Waxaa loo dallacsiiyay heerka koowaad ee Horyaalka Rwanda sanadkii 2018, taasoo la micno ah inay khibrad afar sano ka badan u leedahay heerkaas, taasoo ay ka kororsatay xirfado sax ah oo ay ku dhexdhexaadiso ciyaaraha caalamiga ah”

Mukansanga ayaa dhexdhexaadisay tartankii koobka qaramada Afrika ee 2022 ee lagu qabtay dalka Cameroon, halkaas oo ay soo bandhigtay qaab garsoore wanaagsan, waxaana ka mid ahaa ciyaartii u dhaxaysay Guinea iyo Zimbabwe, kaas oo ahaa mid ay qaarada oo dhan ay ku baratay Mukansanga.

Nsabimana oo ka jawaabay su’aal aheyd, maxaad u maleyneysaa in Mukansanga uu sameeyay si uu u soo jiito dareenka FIFA si ay u hesho wacitaanka Koobka Adduunka? ayaa yiri

“Waxaan aaminsanahay in wax qabadkeeda AFCON uu yahay meeshii ugu horeysay ee FIFA ay ku ogaatay taas oo keentay inay hesho fursad ay ku dhexdhexaadiso ciyaaraha Koobka Adduunka ee Qatar. Mukansanga si kadis ah kuma jirto koobka aduunka sidoo kale ma joogto sababtoo ah waa haween, waxay u joogtaa sababtoo ah waxay ku fiican tahay waxa ay sameyso.”

Mukansanga ayaa waxaa Koobka Adduunka ku wehlin doona garsooraha Faransiiska Stephanie Frappart iyo Yoshimi Yamashita oo ah garsooraha Japan oo ah garsooraha ugu horreeya ee dumar ah ee dhex dhexaadiya Koobka Adduunka ee ragga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker