Mudaaharaadayaal reer Iiraan ah oo isaga hor yimid dalka Qatar

Iska hor imaad u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda Iran iyo dad kasoo horjeeda oo mudaaharaadayay, ayaa ka dhacay ciyaartii labaad ee koobka adduunka ee Qatar Jimcihii.

Qaar kamid ah dadkii mudaaharaadka dhigayay, ayaa sheegay in laga qaatay calamo ay wateen, halka kuwa kalena lagu qeylinayay lana dhibaateeyay.

Saraakiisha amaanka garoonka ee dalka Qatar, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay funaanado iyo agabyo kale, oo ay ku muujinayaan falal ka dhan ah dowladda Iran.

Mudaaharaadyo ayaa dalka Iran ka socday tan iyo dhimashadii, Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd bishii September.

Amini ayaa booliska akhlaaqda ay ku xireen magaalada Tehran, kadib markii lagu eedeeyay inaysan si fiican u daboolin timaheeda. Waxay ku dhimatay marii danbe xabsiga booliska seddex maalmood kadib.

Bannaanbaxyada ayaa ku fiday dalka oo dhan, iyadoo dadka ay dalbanayaan isbedello ay kamid yihiin in la helo xorriyad dheeraad ah, ama in dowladda dalkani laga hor yimaado, dowladduna waxay kaga jawaabtay fal celin aad u adag.

Jimcihii – ciyaartii Iran ee Koobka Adduunka ee Wales – qaar kamid ah mudaaharaadayaasha, ayaa haystay calanka Persian ee kacaanka ka hor, oo ay ka furteen taageerayaasha dawladda ee ku sugnaa garoonka, Axmad Bin Cali.

Sidoo kale waxaa la sheegay in aflagaado loo geystay qaar kamid ah dadka xiran funaanado ay ku xardhan yihiin “Haweenku, waxey u baahan yihiin nolol, iyo xoriyad” – halku dhigaasi oo noqotay mid ay isugu soo baxayaan dibadbaxayaasha kasoo horjeeda maamulka Iran.

Mid ka mid ah daawadayaasha Iran, ayaa ku eedeeyay booliiska Qatar inay ku amreen inay ka masaxaan magacyada dad mudaaharaadayay.

Haweeney kale ayaa sheegtay in laga hor istaagay inay xirato funaanad ay wejiga Marwo Aamini ku xardhan yahay garoonka dhexdiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker