Khilaafkii ciidda Soonfureed, weli waa “Fari kama qodna faanoole”

Ciid mubaarik walaalaha qoraalkan akhrisanayow!
Weli waxa madaxayga ka sii qaylinaya, kala ciididdii sannadkan ku dhacday muslimiinta adduunka. Gaar ahaan Soomaalida.
Maadaama oo aan labada dhinac mid ku qancay, iskuna dayey in aad dadka ku qanciyo, damiirkaygii waa uu xasili waayey!
– Waa ay saxsanaayeen kuwii ciiday sabtidii 23ka may.
– Waa ay saxsanaayeen kuwii soomay sabtidii 23ka may.
Laakiin sida runta ah mid ahaan ayaa khaldanaa. Sababtoo ah “sida saxda ahi” waa mid keli ah ee “laba sax” oo iska soo horjeedaa ma jiraan, mana jiri doonaan
Qolada soontay -haddii ay soomeen- iyaga oo u qaba in ay ahayd maalin Ramadaan oo ay waajib ku tahay in ay Soomaan WAA AY KU SAXSANAAYEEN IN AY Soomaan. Haddii kale waxa ay noqon lahaayeen dad u badheedhay dembi, oo soon ay waajib u arkayeen, cudurdaar la’aan jabiyey.
Qolada afurtay ee ciidday -haddii ay afureen- iyaga oo u qaba in ay ahayd 1dii shuwaal, maalin ciid ah oo ay xaaraan tahay in la soomo, WAA AY KU SAXSANAAYEEN IN AY IIDAAN OO soonta jabiyaan. Haddii kale waxa ay noqon lahaayeen, dad u badheedhay dembi oo soomay soon ay xaaraan u arkayeen.
Labadaa qodob, waa qodobbo shakhsi ah oo qof walba ay waajib ku tahay in uu sameeyo qanaacadiisa. Shaqo kuma laha midnimada ummadda. Midnimada ummadda waxa shaqo ku leh, u dabbaaldegga iidda. U dabbaaldegga iiddu, waa arrin qofka lala leeyahay oo waxa muhiim ah in looga dambeeyo dawladda ama imaamka ama sida beesha meel deggeni ay ku heshiiso.
Taas haddii aad ila fahantahay, arrintii dhacday aan faalleeyo ee afar hal iga qabso: 1- Horta Raad aqooneed oo dabagal iiga baahan waa uu iiga baxay 2- Daraf ka mid ah culimadii is haysay -Waa reer cilmu- falag eh, qaybtoodii Soomaalida ahayd – wax baan ku qoonsaday 3- Daraf kale oo ah qoladii Sucuudiga inoo shardidayna wax baan ku qoonsaday. Wax weyn weliba 4- Darafkii aan la safnaa ee la aragtida ahaana wax baan ku qoonsaday oo aanan la qabin
Qolada reer Cilmu-falag, horena waan u akhriyey, fatwadii qusaysay Ramadaanta 2020 -bilashadeeda iyo bixiddeedaba- waan ka bogtay. Culimo dadaashay oo nusuusdiineed iyo cilmi xisaabeedba u cuskaday, fatwadooda ayey ahaayeen. Waxa ay sheegeen in bisha rabadaan ay dhalanayso (new moon) 23kii april, sidaana lagu soomayo 24kii april. Sidii baanay u dhacday. Waxa kale oo ay sheegeen in bisha soonfureed dhalanayso (new moon) 22ka may balse aan la arki karin habeenkaa. Sidaa darteedna, ay tahay in 23ka may la dhammaystiro 30ka Ramadaan oo la iido 24ka may. Warkoodu waa war cad. Xisaab ahaan 23ka may waa u 1dii shuwaal. Laakiin maaddaama oo aan indho iyo qalab midna lagu arki karin, xisaabtii waa ay hakiyeen oo xadiiskii ayey la soo bexeen “HADDII LA IDINKA QARIYO BISHA, DHAMMAYTIRA 30 MAALMOOD”.
FG: qoladani ma rumaysna kala duwanaanta joqoraafiga ahi in ay saamayn ku leedahay bisha. “bishu waa bil keli ah, lana ictibaarin maayo ikhtilaaful-madaalic” ayey qabaan.
Ixtiraam weyn ayaan u hayaa culimadaas iyo sida ay u falkiyeen xukunkooda. Wax baanse ku yara qoonsaday!
1- Dadkii mutawaatirka ahaa ee sheegay in ay arkeen bishii, waa ay deedafeeyeen. Waayo? waxa ay xisaabtaa falakiga ah ka dhigeen “xukun qadci ah oo xaq ah” oo xiitaa haddii malaayiin qof sheegaan in ay arkeen loo aqoonsanayo dad xaqii baal maray. “Xaq” waa runta sida in Ilaahay jiro, In Quraanku kalaamkii Alle yahay iyo in Nebi Muxammad uu yahay rasuulkii Alle. Haddii saddexdaa Dadka oo dhami inkiraan, miyaad ka yeelaysaa? waa maya. Sidaas wax u dhow ayey ka dhigeen. Lama arki karo oo lama arki karo. Haddii aad aragtaanna wax kalaad aragteen. IN AY HEERKAA ARRINTA GAADHSIIYEEN WAAN KU QOONSADAY
2- Sidaas oo jirta, haddana kuma ay adkaysan xisaabta falakiga ah ee iyaga oo ku qancay in bishii dhalatay fiidkii 22ka may -yacnii shuwaal ayaa kow noqotay”, ayey yidhaahdeen, ha la soomo, maadaama oo aan indhaha lagu arag.
Darafkii yidhi sucuudiga ayaan halbeeg ka dhiganaynaa. Si weyn ayaan iyaga u qoonsaday. Waxan u fahansanahay in aanay ahayn qolyaha cilmi-falagga taageersan. Balse waxa ay qabaan in aragti lagu soomo oo aragti lagu afuro oo aan xisaabo iyo godadka dayaxa midna la cuskan. Tafsiirkaa waxa ay ka qaateen xadiiska, waana sida ay u badnaayeen culimadii muslimiinta quruuntii hore oo dhan. HADDABA waxa ay ahayd in meeshii laga arkaba ay ku qancaan. Taasi ma dhicin, Markii la yidhi; Geeska Afrika ayaa si mutawaatir ah looga arkay, dheg jalaq uma aanay siin. Haddiise Sucuudiga laga arki lahaa, waa ay u degdegi lahaayeen.
HALKAA WAXA KA CADDAADAY IN GO’AANKOODU AANU AHAYN GO’AAN DIINI AH EE UU YAHAY GO’AAN SIYAASI AH. Qalad ma aha in go’aan siyaasi ah la qaato, balse kani ma ahayn go’aan siyaasad habboon ku dhisan. “In aanay muslimiintu u sinnayn oo u kala mudanyihiin”, ayaa dhaliil ugu filan.
Qoladii ciidday ee aan aniguna la ciiday, oo aan ula safnaa ku qancid diini ah, WAA AAN DHEGAYSTAY dooddooda. Waxanan kaga baydhay oo ku qoonsaday laba qoob. (Waa qaar ka mid ah, sababtoo ah dadka maalintaa hore ciiday ma ahayn koox keli ah)
1- In ay qabaan, fikradda gabowday ee ikhtilaaful-maddaalic. Yacnii in ay jiri karto maalin keli ah oo dalna u ah 1dii shuwaal, dalna u ah 30kii Ramaan.
2- Fikradda kale ee gabowday ee deedafaynaysa in godadka dayaxa iyo qorraxda wax lagu xisaabiyo.
– ANIGU, MA QABO IKHTILAAFUL-MADAALIC. taas macneheedu ma aha in aan la qabi jirin. xiitaa asxaabtii qaar ayaa qabay. Laakiin xaqiiqada ina hortaalla ayaa ah mid aan ku dhaaran karo, sidan:
” Sabtidii 23kiimey 2020, markii ay saacadda geeska Afrika ahayd 1dii duhurnimo, saacadda Swedenna waxay ahayd 12kii duhurnimo. Maalintu waa sabti. tiraduna waa 23ki mey. Suurtal ma aha in ay geeska Afrikana ka ahaato 1dii shuwaal, Swedenna ka ahaato 30kii Ramadaan”.
-WAAN QABAA IN godadka DAYAXA IYO QORRAXDA WAX LAGU XISAABIYO, XAGGA TIRADA WAKHTIGA IYO XISAABTA. BISHA RAMADAANNA WAA WAKHTI. Laakiin mar kasta waa in meel loo banneeyo arkidda “ku sooma aragti, kuna afura aragti”
Halkaa bal aan ku joojiyo maanta……
WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker