” Haduu Xildhibaan Dhakool neceb yahay guushii 18ka May muxuu u dhex joogaa Hargeysa?”

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE  ayaa maanta bartiisa Facebook-ga ugu jawaabay hadal kasoo jeedhay Dhakool oo caawa xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay kadib markii uu maalinta 18 May ku sheegay mid Beesha Isaaq u Gaara.

 

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Siyaasi Cali gray oo dhan: —

 

 

“Kursiga uu ku fadhiyo hoostiisa waxa ku jira lafhii kuwii u dhintay inu ku fadhiisto uu noqdo Xildhibaan Baarlamanka Somaliland ka mid ah. Hadii aanay kuwaasi u dhiman maanta si kale ayuu u ekaan lahaa oo waa sidii uu ahaa intii aanu Hargeysa iman markii uu surwaalku ka dhacayay ee xaarku xaglaha ka dareerayay. Haduu neceb yahay guushii 18ka May Hargeysa muxuu u dhex joogaa? Laascaanood sadex habeen umuu hoyan intii uu Xildhibaan ka soo jeeda sheeganayay irbadna dun uma gelin ee wuxu ahaa kaboqaad calooshii u shaqayste ah. Kuwii ay dhaleen kuwa uu yasayo guushoodii Hargeysa iyo Burco ayay dhex joogaan iyagoo shaqo la’ oo isagu uu uga ayaan roonaaday midhihii halgankii ay aabayaashood ku dhinteen. Ha uga ayaan roonaado eh waxaan meesha qaban nin gob ahna ka suurtoobin oo dheeraad ah digashada iyo tiikhtiikhsigiisa. 18ka May waxa u dhintay 50000 magaalooyin dhan ayaana u burburay Dhakool hadii uu nac iyo ciil u qabo kuwaa may ahayn inu Hargeysa maanta dhex joogo ee Muqdisho ayay ahayd si Alleh ku yidhaaba inu tago ama Puntlandba calanka buluukiga ah hoos hadhsado. Midna yeeli maayo oo tan ayuu ka helay wax aanu Muqdisho iyo Garoowe midna ka heli karin eh edeb ha ku joogo oo afkiisa xun ha ka adkaado calooshiisa naca iyo naxligu jiifana ha ku haysto oo ha u dhinto isagu naciisa hadii uu wax isla hayo shalayba maalin bay ahayd waanu joogaye intuu isku ciil-kaambiyayo wixii dhacay iyo dagaalkii dhamaaday ee 18ka May ay soo afjartay” 

Xildhibaan Dhakool Iyo Siyaasi Cali Guray

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker