Puntland Oo Ku Baaqday in Beesha Caalamku Shir U Qabato Soomaaliya

Maamulka  Puntland ayaa ku baaqday in Beesha Caalamku diyaariso shir ku saabsan Arrimaha  doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhexmara dhinacyada siyaasadd dalka.

War qoraal ah oo fiidnimadii Talaadada ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu baaqay wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah.

“Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.”

Baaqaaas ayaa soo baxay, wax yar kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka horyimid mudda kordhintii dowladda Federaalka, islamarkaana ku dhawaaqay in xukuumaddiisu diyaar u tahay hirgelinta doorasho ku salaysan heshiiskii 17-kii September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker