Nin hubeysan oo ugu yaraan 10 qof ku dilay Mareykanka

Nin hubeysan ayaa ilaa 10 qof ku dilay dukaan ku yaalla Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Nin la rumeysan yahay in uu ahaa maamulaha dukaanka ayaa rasaas ku furay dadkii halkaas ku sugnaa kadibna waa uu is dilay.

Maamulka magaalada Chesapeake ayaa bartooda twitterka ku soo qoray “boolisku waxay xaqiijinayaan dhacdo dhimasho sababtay oo ka dhacday dukaanka Walmart”. Weli faahfaahin dheeraad ah kama aysan soo bixinin, balse sarkaal ka tirsan booliiska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in dad aan ka badneyn 10 qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay.

Senatar ka tirsan gobolka Virginia Louise Lucas ayaa sheegay inay โ€œgabi ahaanba aad uga niyad jabtayโ€ waxa ay ku tilmaantay โ€œToogashadii ugu dambaysay ee Maraykankaโ€. Waxay ku dartay: “Ma nasan doono ilaa aan helno xal lagu soo afjarayo rabshadaha hubaysan ee dalkeena ku soo badanaya”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker