QM Oo Shaacisay Tirada Dadkii ku Dhintay Duufaantii Pawan Ee ku Dhufatay Bariga Somaliya

Qaramada Midoobay  oo shaacisay in Dabaylihii iyo Roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobolka Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii Noloshooda ay ku Tiirsanayd.

Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi ay barakiciyeen 4,800 oo qof .

 

Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

Waxay sheegtay Qaramada Middoobay in dadka ay dabaylahaasi saameeyeen ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker