Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Hindiya Oo Raysal-wasaaraha Dalkaasi Ka Naxsaday Qaab-salaameed Aanu Ka Filayn

Tan iyo markii uu la wareegay talada wadanka, rai’sulwasaaraha India Narendra Modi ayaa caadiyanba marxabeeya madaxda kale marka uu la kulmo. Waa xeelad hogaamiye oo isaga lagu yaqaano, Mr Modi ayaa ka yaabiya madaxda dunida marka uu la kulmo.

Toddobaadkii hore, Rahul Gandhi oo ah hogaamiyaha ugu sareeya xisbiga mucaaradka uguna weyn dalka ayaa xabadka ku salaamay ra’isulwasaaraha dalkaa Narendra Modi waxyar uu kadib markii Rahul uu khudbad dhaliil ku ah Modi uu ka jeediyay baarlamaanka. Tan ayaa dad badan ka yaabisay, gaar ahaan dadka ay siyaasadda isku hayaan.

Mr Gandhi ayaa sidoo kale hadallo kaftan oo xanaf leh ku soo qoray baraha bulshada oo uu ula danlahaa taageerayaasha xisbiga Mr Modi ee BJP. “Waxaad I nacdeen, naycayb ka soo go’ay qalbiyadiina, balse anigu wax nacayb ah idinma qabo, ayuu yiri Mr Gandhi.

Marxabeyntan xabadka la galiyay ra’isulwasaaraha ayaa noqotay hadal haynta ugu weyn dalka Hindiya taas oo baraha bulshadana looga sameeyay hal ku dhig loogu magacdaray marxabayn.

Dadka qaar ayaa sheegay in Mr Gandhi mar uu ahaa hogaamiya ka caga jiida arrimahaasi balse uu ugu dambeyntii bartay xeeladaha siyaasadda kuwaas oo ka caawinaya in uu la tartamo ama ka badiyaba Mr Modi.

Sawir lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay in mr modi uu u muuqday qof uu culays ku hayo xilkiisa

Waxaa suura gal ah in Mr Gandhi uu dhiira galin ka helay madaxweynahii hore ee Mareykanka Lyndon Johnson oo caan ku ahaa marxabaynta saaxibadiisa, balse waxa uu si adag u marxabayn jiray cadawgiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker