Erayada afkiisa laga hayo Dr Zakir Naik, daaciga lagu casuumay Qadar

Siddeeddii bishii Agoosto ayuu Zakir Naik khudbad ka jeediyay gobolka Kelantan ee dalka Malaysia, arrintaas ayaana dareen qawmiyadeed ka dhalisay dalkaas.

Naik ayaa yiri Dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga waxay ra’iisulwasaaraha dalkooda Mahathir Moxamad uga daacadnimo badan yihiin ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi. Qiyaas ahaan dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga ayaa bulshada ka ah 6%.

Bulshada asal ahaan Shiinaha ka soo jeedda ee dalka Malayshia u dhalatay ayaa iyagana 20% ah wuxuuna ku tilmaamay in ay “marti” ku yihiin dalka.

Ka dib markii xayiraadda lagu soo rogay, Naik ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu raaligalin uga bixinayo hadalkiisii hore wuxuuna sheegay in si kale loo macneeyay.

“Sida aad la socotaan maalmihii u dambeeyay waxaa la igu eedeeay in aan cunsurinimo ka abuuray dalka, dadka i dhaliishanna waxay isticmaalayeen erayo si gaar ah loo soo xushay oo macnihii ay xambaarsanaayeen laga weeciyay, isla markaasna waxyaabo aan jirin lagu sii daray. Maanta ayaan booliiska u caddeeyay meesha aan arrintaas ka taaganahay,”

“Waxaa i murugo galiyay in arrintan oo dhan ay sababtay in dadka aan Muslimiinta ahayn ay u qaataan in aan cunsuri ahay … cunsurimimadu waa camal shaydaan, aad ayaana uga soo horjeedaa sida Quraankaba ku qoran, waxayna arrintaasi liddi ku tahay wax kaste oon u taaganahay ka daaci Muslim ah ahaan,” ayuu intaas ku sii daray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker