Xukumadda Venezuela Oo Ku Dhawaaqday Iney Xabsiga Kasii Deyneyso 40 Siyaasi Oo Caan ah

Xukumadda Venezuela ayaa shaaca ka qaadday iney oodda ka qaadeyso macabiis siyaasadeed iyo dad u ololeeya xuquuqda adanaha oo gaadhaya 40 oo bilooyin dowladda u xidhnaa . Hase yeeshee, madaxweyne Nicolas Maduro ayaa hadalkaasi ka soo yeedhay cambaareyn weyn kala kulmay maadaamaa dadka la soo deynayo uu ku jirin siyaasiga caanka ah ee Leopoldo Lopez.

Lopez oo horay u soo ahaa duqa degmada Chacao ee ka tirsan magaalada Caracas waxay dowladdu xidhay afar sana ka hor, iyada oo lagu eedeeyey inuu soo qaban qaabiyey mudaharaadyo dowladda looga soo horjeedo.

Dadkaasi la soo deeynayo intooda badan ayaa waxay ku xidhan yihiin xaruunta dhexe ee mukhaabaraadka Booliska dalka Venezuela ee ku yaallo caasimadda dalka ee Caracas. Sida oo kale dadkaasi xabsiga laga soo deynayo waxaa ka mid ah duqi hore ee magaalada San Cristobal, Daniel Cbllos.

Afhayeen dowladda Venezuela u hadlay ayaa wuxuu sheegay tallaabbadaasi iney tahay mid u gogol xaadheyso wadahadal lala yeesho mucaaradka qaaddacay doorashadi madaxweynaha ee bishi hore ka dhacday dalka Venizuela.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker