Soomaalida Canada oo caddaalad u raadinaya haweeney dalkaasi lagu dilay

Isu soo baxyo caddaalad looggu raadinayo Hodan Hashi, oo bilowgii bishaan lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobalka Saskatchewan, ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Canada.

Mudaharaadkaan maahan mid ku kooban Soomaalida. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah dibad baxyadan dadka Muslimiinta ah, iyo dadka madowga ee reer Canada.

Soomaalida ayaa dalbanaya in hannaanka garsoorka ee dalka Canada ay dadku u sinnaadaan. Dilka haweeneyda Soomaalida ah, ayaa yimid kadib markii uu muran dhex marey haweeney kale.

Haweeneydii dishay Hodan Hashi, ayaa waxaa lagu sii daayey damiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker