Elon Musk: Twitter oo xafiisyada ka xidhatay Shaqaalaheeda

Shirkadda Twitter-ka ayaa u sheegtay shaqaalaheeda in dhismayaasha xafiisyada shirkadda ay si ku meel gaar ah u xirnaan doonaan, isla markaana aysan soo gelin shaqada.

Farriin ay aragtay BBC, shaqaalaha ayaa loo sheegay in xafiisyadu dib loo furi doono Isniinta 21 November.

Ma aysan sheegin sababta ay u xireen xafiisyada. Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in tiro badan oo shaqaalaha ka tirsan ay shaqada ka tagayeen ka dib markii milkiilaha cusub Elon Musk uu ugu baaqay inay saxiixaan “saacadaha dheer ee looga baahanyahay”.

Farriinta ayaa sidaan u qornayd: “Fadlan waa inaad u hoggaansanto siyaasadda shirkadda adigoo ka fogaanaya inaad kala hadasho macluumaadka shirkadda warbaahinta bulshada, saxaafadda ama meelo kale.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker