21 qof oo ku dhintay dab qabsaday guri ku yaalla Marinka Gaza

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay dab fiidnimadii Khamiista ka kacay waqooyiga Marinka Gaza, sida ay xaqiijiyeen hoggaamiyayaasha Xamaas ee Marinka, waxaana shilalkan uu noqonaya mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanadihii la soo dhaafay ee ka baxsan baaxadda rabshadaha ka dhashay iskahorimaadka Israel iyo Falastiin.

Dabka ayaa ka kacay dabaqa saddexaad ee dhismo saddex dabaq ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia oo ay dadku ku badan yihiin, sida uu sheegay dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Waaxda Difaaca madaniga ah ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayaa dabka la xiriirisay shidaal lagu kaydiyay dhismaha.

Ilaa hadda ma cadda sida uu shidaalku u kiciyay dabkan, iyada oo saraakiishu ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.

Marinka Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayna saaran tahay go’doomin ay Israel iyo Masar ku hayaan, ayaa waxaa ka taagan dhibaato dhanka tamarta ah.

Dadku waxay inta badan ku kaydiyaan gaaska wax lagu karsado, naaftada iyo baatroolka guryaha, iyagoo isu diyaarinaya xilliga qaboobaha.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay dabkan, wuxuuna ku dhawaaqay maanta oo Jimco ah maalin baroor diiq ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker