Ra’iisul Wasaaraha UK iyo dhiggiisa Canada oo ku baaqay in la baaro gantaalkii ku dhacay Poland
Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak iyo dhiggiisa Canada Justin Trudeau waxay si wadajir ah teleefoon kula hadleen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky xilli ay ku sugnaayeen dalka Indonesia, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK.
Labada hoggaamiye ayaa carabka ku adkeeyay baaritaan buuxo lagu sameeyo sababtii ka dambeysay in gantaalka kusoo dhacay dalka Poland.
Waxay sheegeen wax kasta oo kasoo baxa baaritaanka in Putin uu ka dambeeyo dagaalka haatan socda xilli uu duulaan ku qaaday Ukraine.
Waxay sidoo kale tacsi u direen qoyasaska dadkooda ay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay uu Ruushka ka geystay Ukraine isla markaana waxay taageero umuujiyeen madaxweyne Zelensky.