Xildhibaan isagoo khamreysan gaari kaxeeyay oo markii uu miyirsaday is casilay

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Rwanda ayaa iska casilay xilkii xildhibaanimo kadib markii uu raaligelin ka bixiyay markii isaga khamreysanaa uu gaari kaxeeyay.

Baarlamaanka ayaa ka aqbalay iscasiladdiisa Gamariel Mbonimanaoo ay ku tilmaameen ‘sabab u gaar ah’.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa dhaleeceeyay xildhibaan uusan magaciisu sheegin oo uu sheegay in uu gaari kaxeeyay xilli uu cabsanaa.

Xildhibaanka ayaa shacbaka iyo madaxweynaha ka raaligeliyay falka u uku dhaqaaqay, wuxuu sheegay, “Waxaan go’aansaday in mar dambe aan cabi doonin khamriga”.

Rwanda waxaa ka mamnuuc ah in qofka isagoo khamreysan in uu baabuur kaxeeyo, qofkii lagu helana waxaa lagu ganaxayaa $140 doolar.

Madaxweyne Kagame ayaa dhaleeceeyay booliska oo uu sheegay in xildhibaanka ay u xiri waayeen ‘xaasanadda uu heysto darteed’.

Gamariel Mbonimana wuxuu ahaa xildhibaan tan iyo sanadkii 2018-kii, wuxuu ka tirsanaa xisbigii gacan saar la leh midka madaxweyne Kagame.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker