Kalluumeysato Ajaanib Ah Oo Maydadkooda Laga Helay Xeebaha Somaliland

Shabakadda Wararka Al-masdar Online ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa Ilo-wareedyo gudaha ah waxa ay u sheegeen in 2 Kalluumeysato oo ka mid ahaa saddex kalluumeysato oo la la’aa ilaa dabayaaqadii bishii hore ee Jeeniweri laga helay Badda Calaamiga ee u dhexeysa Xeebaha Somaliland iyo Yemen ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed oo marin muhiim ah u ah Kalluumaysatada.

 

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Kalluumeysatadaasi inay dhowr maalmood ka hor u kalluumeysi tageen Xeebta magaalada Axwaar ee Gobalka Abyan ee Yemen si ay gutaan shaqo maalmeedkooda hase’ahaatee la waayay markii dambe.

 

Markab nooca Ganacsiga ah ayaa la sheegay inuu Maydadkaasi ka helay dooni dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebta Degmadda Shakra oo ku taalla Badda Xeebta Caraabi oo la aamnisanyahay in ay kusoo cariday.

 

Kalluumaysatada Yamanyiiinta ah ee Maydadka la helay waxaa lagu kala sheegay Ali C/llahi Xasan oo 40-jir ahaa iyo wiilkiisa Saciid Cali oo 14-jir ah, kuwaasi oo la la’aa tan iyo bishii la soo dhaafay ee Jeeniweri 27-dii.

Dhinaca kalana Shabakadda Almasdar Online waxay kaloo qortay in weli la la’ yahay wiil 13-jir ah, oo lagu magacaabi jirey Abu Bakar Fowzi Abu Bakar, kaasi oo la socday doonida laga helay maydadka Aabe iyo Wiilkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker