Madaxweyne Cagjar Ceeb-Weyn baa Ka Raaci Haddaan Sharciga La Marin Askariga Dilay Xildhibaan Juweeriya

25-kii October 2022, waxay  maalin madow oo ku biirtay dharaaraha murugada leh ee soo maray Bulshada Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan waxay mugdi u ahayd Qoyskii ay ka geeriyootay Xildhibaan Juweeriya Subcis oo Askari ka tirsan Booliska federaalka Itoobiya uu si badheedh ah ugu toogtay garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ee caasimadda dowladda deegaanka Soomaalida, kuna dhaawacay lix Qof oo kale.

Shacabka Deegaanka Soomaalida, waxay ku noqotay argagax iyo u qaadan in Askari Booliska federaalka Itoobiya ka tirsani uu rasaas madaxa kaga dhufto Xildhibaan Juweeriya Subcis iyo 6 Qof oo  dhaawacayo uu u geystay Dadkaas oo qaarkood Qoyska Marxuumadda dhimatay ka tirsan yihiin.

26-kii October 2022, oo ahayd maalintii la Aasay Marxuumad Xildhibaan Juweeriya  waxaa ka dhacay Jigjiga muddaharaad ay samaynayeen dadka deegaanka Soomaalida oo ka cadhaysan dilkaa badheedhka ahaa ee loo geystay Xildhibaanad Juweeriya Subcis iyo dhaawacyada lixda Qof.

No description available.

Dadka mudaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen Erayo ay ka mid ahaayeen; ” Juweeriya waa inay caddaalad hesho, Ninkii dilayna caddaaladda  la horkeeno”.

Sidii ay uga falceliyeen ciidanka amniga DDS:-

Taliyaha Ciidanka Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aan weli la ogeyn sababta Askarigu xabbadda nool ugu furay ee u dilay Xildhibaan Juweeriya iyo  dadkii kale ee ka safrayay garoornka diyaaradaha Jigjiga ee Wiil waal, balse uu socdo baadhitaan ku saabsan dhacdada Askarigaasi  ku dilay Xildhibaan Juweeriya, kuna dhaawacay lixda Ruux.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Laba Qof oo ay isku Qoys yihiin Marxuumadda la dilay, mid waxay ahayd  Ayaan Subcis iyo Wiil ay dhashay oo ka yimid dalka Marakaykanka, kuwaas oo ku maqnaa muddo ka badan 20 sano.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka amniga DDS, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askariga dilka iyo dhaawaca geystay.

Sidee uu uga falceliyey Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar dilkii Xildhibaan Juweeriya?

Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka hadlay dilka Xildhibaanka iyo dhaawaca lixda Qof, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askarigii sida badheedhka ah,u fuliyey falkaas, waxaanu tilmaamay in cadaaladda la horkeeni doono.

“Ciidammada ammaanka ee Deegaanka Soomaalida, ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay.” ayuu yidhi Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray ehellada marxuumadda iyo guud ahaan shacabka deegaanka Soomaalida, isaga oo tilmaamay inuu xanuunka la qaybsanayo.

“Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafteeda ku wayday Allaaha ha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee federaalka Itoobiya”. ayuu yidhi markale Madaxweyne Mustafa Cagjar oo Facebookgiisa war qoraal ah soo dhigay.

Xildhibaan Juweeriya Subcis, waxay ahayd gabadh aqoonyahan ah oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha samafalka Bulshada, isla markaana  caan ka ahayd deegaanka Soomaalida. Waxay ahayd Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, waxay xubin ka ahayd Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed.

Dilka Xildhibaan Juweeriya, ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan caalamka. Safaarada Maraykanka, ayaa Qoyska ay ka baxday  ka tacsiyadaysay geerida ku timid  marxuumad Juweeriya.

Safaarada Marakaykan ee ku taal caasimadda Adis Ababa ee Ethiopia, ayaa sheegatay in ay wada shaqayn jireen Marxuumadda la dilay ee Juweeriya oo ahayd qof aqoon iyo karti badan oo ka shaqayn jirtay arrimaha samafalka iyo horumarka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Dowladda deegaanka Soomaalida, ayaa looga fadhiyaa inay Bulshada u soo bandhigto baadhista ay sheegtay in lagu samaynayo Askarigaas iyo sababta uu Dilka iyo dhaawacaba u geystay, isla markaana ay si cad sharciga u mariso Askarigaas Itoobiyaanka ah ee dilka iyo dhaawaca geystay, haddii kale waxay la kulmi doontaa wejigabax siyaasadeed iyo kacdoonno Bulshada oo galaafan kara Madaxweyne Cagjar iyo Xumuumaddiisa.

Waxa Qoray Maxamuud Xuseen Jaamac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker