Wasiir Cali Mareexaan Oo Mashruuc $20 milyan musuqmaasuqay

Mashruuc $20 milyan oo doolar ah oo Cali Mareexaan musuqmaasuq la daba taagan yahay.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa falal musuq maasuq kula kacay Mashruuc uu maalgelinayo baanka aduunku oo Somaliland lagaga taageerayo dhinaca biyaha.

Mashruucan oo wajigiisa koowaad soconayo laba sanadood laguna fulinayo maalgelin $20 milyan oo doollar ayaa loogu talagalay in lagu fuliyo 20 dhamaan biyood oo laga qodo gobolada, 15 riig biyood iyo in 30 tuulo loo sameeyo biyo gelin.

Xogaha iga soo gaadhay mashruucan oo ay fulinayso wasaarada biyuhu ayaa sheegaya in doorka wasaaradu yahay inay keento shaqaalaha ka shaqaynaya kuwaas oo mushaharkoodana la soo mariyo.

Wasiir Cali Mareexaan ayaana mashruucan uga faa,iidaystay inuu ka hawlgeliyo shaqaale tiro badan oo ka soo jeeda beeshiisa kuwaas oo aanu shaqada ku geyn hab waafaqsan nidaamka iyo sharciyada shaqaalaha, sadex qof oo ka soo jeeda beelaha kale ayaanu ku taraxay kuwa uu shaqada qoray ee beeshiisa ka soo jeeda.

Sidoo kale mashruucan ayey mushahar gaar ah ku leeyihiin masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada biyuhu, waxaanay xogta xaqiijisay in wasiir Cali Mareexaan uu bil kasta ka qaato mushahar gaadhaya $3000(sadex kun oo doolar).

Wasiir Cali Mareexaan ayaa sidoo kale sameeyey koox shaqaale ah oo isku xidha wasaarada iyo baanka aduunka kuwaas oo ah shanta qof ku magacaaban xafiisyada kala ah Accountant Officer,Cashier Officer, Project Engineer, Social Offficer Iyo HR Officer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker