Boqortooyada Sacuudiga oo Ukraine siinaya $400 milyan oo gargaar bini’aadannimo ah

Sacuudiga ayaa 400 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah siin doona dalka Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ee SPA.

Wakaaladda SPA ayaa intaas ku dartay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu Jimcihii khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ‘ayaa muujiyay sida ay boqortooyada Sacuudigu diyaarka ugu tahay inay sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageeridda wax kasta oo gacan ka geysanaya joojinta dagaalka Ukraine’ sida ay sheegtay SPA.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker