Mujaahid Cali Guray “waa mashruuc garxajis-diid ah oo maryo-aloolayn”

W/Q:Mujaahid Cali Guray “waa mashruuc garxajis-diid ah oo jeegaamayn iyo maryo-aloolayn ah ”

AAN KU TUMO HADANA HAYGA TEGIN…..

Anigu waan qaldanaan karaa halka wax lagu wado sida aan u arkose Isaaq wuxu iskula noqon doonaa halkii uu iskala yimi iyo soomaali dhexdeed ee ma jirayso Garxajis kelgii gaar loo faqooqi doonaa. Taasi sidii ay ku iman lahayd waa ta ay wadaan Muuse iyo Saleebaan Gaal. Ragna lama maleeyo.

Waxa lagu heshiiyay sanadna Muuse Biixi ku celcelinayay; “sadexda doorashoba waa la qabanayaa mid waliba xiligeeda ayaa lagu qabanayaa, sida ay u kala horeeyaana waa loo kala hor qabanayaa”. Mid carqalado iyo caqabado ay ka hor yimaadeen oo laga qaban kari waayayna ma jirto ee toos ayaa loo dilay oo labadani ay u dileen sababtana nin rag ahi wuu garan nacasna loo sheegi maayo eh waa mashruuc garxajis-diid ah oo jeegaamayn iyo maryo-aloolayn ah. Balse yaa u sheega labadan doqon in hadii Garxajis iyo intii Isaaq caqli ku hadhay waar ka daaya laga diido hadda “CADAWGAAGA CADOWGIISU WAA SAAXIIBKAA” waa qaaciido dabiici ah ee marka ay halkaa tagto marya-alool iyo Jeegani markaa Muuse Biixi wax ha ka tarto waa kursiga uu ku fadhiyo oo keliya waxa la isku qabsan doonaa ee maaha baryo iyo doorashada ha la qabto eh.

Marka ay halkaa gaadho Muuse hadii uu adkaado ha iska haysto oo shan farood iyo calaacal ha ku haysto xukunka Somaliland muxuu doorasho madaxwayne oo dambe ku falayaa? Muu inta uu nool yahayba iska haysto. Balse sida aan u arko ma adkaan karo oo isaga iyo soomaali bay noqon eh xamaanta ha ka sii urursado guriga Moorgan uu sii balaadhsaday. Saleebaan Gaalna ma laga yaabaa in laftiisa laga soo tukhaantukhiyo shan sanadood oo dambe ayuu qorshaystaye.

Kol hadaan AHN eh Cabdi Iidaan Faarax soo qaato hadal waa gaw eh muxuu ka yidhi tan maanta oo kale. Wuxu yidhi:
AAN KU TUMO HADANA HAYGA TEGIN TAAGNA KUMA DHAAMO
HADAA NOOGU SOO TALOGASHEEN NAMA TAQAANAANE
CALIGUREY
HALGANWATCH

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker