Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Fadeexadeeyey Boqorka Sucuudiga

USA(OWN)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aad u bah-dilay boqorka dalka Sacuudiga Salmana Bin Cabdulcasiis, isaga oo ka dhigay qof aan isku filneyn oo Mareykanka la’aantiis aan xukun hayn karayn.

Trump ayaa adeegsaday hadal aan diblomaasi ahayn oo uu ku weeraray Sucuudiga, oo ay saaxiibo dhaw yihiin, waxaana uu sheegay in uu u digay Boqor Salmaan kuna war-geliyey in aanu xukunka laba toddobaad haysan karin taageerada ciidamada Militari ee Mareykanka la’aantood.

“Waan difaacnaa Sucuudi Careebiya. Miyaad leedihiin waa qani. Waan jeclahay boqorka. Laakiin waxaan ku idhi ‘Boqor waan ku difaaceynaa , xukunkana ma sii joogeysid laba toddobaad anaga la’aantayo ,waa in aad bixisaa lacagta Militariga Maraykanka,” ayuu Trump ka sheegay fagaare ku yaal Southaven ee gobolka Mississippi.

Trump ma sheegin xilligii uu hadaladdaas ku yidhi boqorka Sucuudiga.

Marka laga yimaado hadaladdaas adag, maamulka Trump waxa uu xidhiidh dhaw la leeyahay Sucuudi Careebiya oo uu arko awood uu uga hor tagi karo himilada Iran ee gobolka, iyo fulinta siyaasadaha lagu taageerayo Yahuudda.

Trump waxa uu Sucuudiga ku tagay safarkiisii dibadda ee ugu horreeyey sanadkii hore markii loo doortay Madaxweynaha Mareykanka.

Waxaa xusid mudan, in markii Trump uu booqday Sucuudiga ay abuurmay khilaafka wadamadda Khaliijka oo dhabbaha u xaaray in la go’doomiyo Qadar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker