Xisbiyadda Waddani iyo Ucid Haddii Ay Isku Biiraan Awood intee Leeg Ayey Kuyeelan Karraan Loolanka Ururada, Caqabad Hortaagani Majirtaa?

Xisbiyadda Waddani iyo Ucid Haddii Ay Isku Biiraan Awood intee Leeg Ayey Kuyeelan Karraan Loolanka Ururada, Caqabad Hortaagani Majirtaa?

Waa dhab in ay jirto in Mawduuca ku Sahabsan Aragtiyo ay Aaminsan yihiin Taageerayaal badan, oo Waddani iyo Ucid ahi in ay Markii hore ahaayeen, Mid Kaliya haseyeeshee, Markii ay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), iyo Faysal Cali Waraabe isku Diideen Damaca Siyaasiga ah, ay Sabab u Noqotey In Cirro Sameysto urur Siyaasadeedkii Waddani ee La soo jaanqaadey Tartankii Ururada Sanadii 2012kii Kaas oo usoo Gudbey Nidaamka Xisbiyada oo ay Labadooduba Ku Guulaysteen Xiligaasi.

Waxaana jirta had iyo jeer in ay Qoddobada ku Wajahan Taageerada Dhinaca Beesha ay Kasoo Wada jeedaan Dad badani ka Hadlo in loo baahan yahey Midnimada inney Isku Noqdaan Mid Kaliya, Si aanney ugu Kala Qeybsamin, Waxyaabo badan oo Daruuri u ah Arimaha Doorashada si Codbixinta, iyo Kasbashada taageerada Qabaa,ilka Somaliland Meel ugu Wada Marto, una Muujin Karaan Awood Siyaasadeed oo Mideysan.

Inkastoo Dhaliisha Arintan ay had iyo jeer Taageerayaasha Dhinaca Beeshani dusha u Saaraan Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe Hadana Marka loo eego isu-soo dhawaanshahooda Duruufta Siyaasadeed ee Xiligan Waxey in badani Isweydiinaysaa Suurtagal Ma tahey, inney u Midoobaan Xaalada Loolanka Ururada ee hadda taagan, Maadaama aannu Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigiisa Ucid ilaa iyo hadda Haysan Fursadihii uu hore u helay, ee uu Kusoo Gaadhey Kaalinta Xisbinimo.

Haddaba Marka loo eego, Tanaasul la,aanta Gudoomiye Faysal, ee Sida uu Wali ugu adkaysanayo, Damaciisa aannu Wali ka hadhin, iyo Waliba innaanu Raali ka aheyn in lagalo Loolan Dhinaca Ururada ah ayaa Sicad u qeexaysa, Innaaney taasi Marna Suurtagaleynin iyaddoo ay jiraan Arimo badan oo Tusaale u ah, in Murrashax Ciro, Faysal Toobin Ku hayo halka uu baneeyay Fursad Kale oo Doc Faruur ku ah Waddani Kadib Wareejintii Gudoomiyaha Xisbiga isagoo aan Galin Wajiga labaad ee Tartanka Kursiga ugu Sareeya Talada Somaliland islamarkaana, aanney jirin Wado Kale oo uu uga laabto ilduufkaasi Siyaasadeed ee uu Waajahey, Waxa jira dareeno Ku Wajahan inney Doonayaan isaga iyo Xirsi in ay Faysal Ku Qanciyaan heshiis Ku beegan, inney Kaga Gudbaan Caqabadaha Adag ee horyaala Midawga Labada Dhinac haseyeeshee, ay Wali la sugayaan Xiliga ay Albaabadu Kasoo wadda Xidhmaan oo la isugu soo biyo Shubto Tartanka Ururada Walow ay Meesha ka Maqan tahey Talooyinkii Musdambeedka Waddani iyo Guurti Culus, oo Talaabadaa bisleyn Karta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker