“Oodweyne Waxay Tebaysaa In Bulshaddeeddu Buuxiso kaalinta Dowladeed Ee Baylahda Ah Ilaa Intii Somaliland Dib Dhidibada Loogu Taagay” Xildhibaan Mohamed Kood-buur.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur Oo Ka Mid Ah Muddannayaasha Golaha Wakiiladda
Ee JSL, Ayaa Safar Ku Tagay Magaalo Madax-da Gobolka Daad-madheedh Ee Oodweyne.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur, Ayaa Sheegay Inay Guud Ahaanba Gobolka Daad-madheedh Uu Ka Arraddan Yahay Horumarinta Dhammaan-ba Baahiyaha Nolosha Bulshadda Aasaaska U Ah. Iyaddoo Xildhibaan Kood-buur Xusay Inay Bulshadda Reer Oodweyne Ay Buuxinayaan kaalintii Dawladdeed Oo Ay Ku Hawlan Yihiin Horumarinta Deegaankoodda.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur Oo Safar Xogogaal Noqosho Ah Ku Tagay Gobolka Daad-madheedh, Gaar Ahaan Magaalo Madax-diisa Oodweyne, Ayaa Yidhi Siddan, Isagoo Ka Hadlaya Wixii Uu Ku Arkay Deegaannadda Kala Duwan Ee Gobolka Daad-madheedh “Oodweyne Ayaanu Seexanay Safarkii Aanu Deegaanka Ku Soo Eegnay. Maagaaladdani Waxay Tebaysaa In Bulshaddeeddu Buuxiso kaalinta Dowladeed Ee Baylahda Ah Ilaa Intii Somaliland Dib Dhidibada Loogu Taagayā€¯ Ayuu Yidhi Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker