“Oodweyne Waxay Tebaysaa In Bulshaddeeddu Buuxiso kaalinta Dowladeed Ee Baylahda Ah Ilaa Intii Somaliland Dib Dhidibada Loogu Taagay” Xildhibaan Mohamed Kood-buur.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur Oo Ka Mid Ah Muddannayaasha Golaha Wakiiladda
Ee JSL, Ayaa Safar Ku Tagay Magaalo Madax-da Gobolka Daad-madheedh Ee Oodweyne.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur, Ayaa Sheegay Inay Guud Ahaanba Gobolka Daad-madheedh Uu Ka Arraddan Yahay Horumarinta Dhammaan-ba Baahiyaha Nolosha Bulshadda Aasaaska U Ah. Iyaddoo Xildhibaan Kood-buur Xusay Inay Bulshadda Reer Oodweyne Ay Buuxinayaan kaalintii Dawladdeed Oo Ay Ku Hawlan Yihiin Horumarinta Deegaankoodda.

Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur Oo Safar Xogogaal Noqosho Ah Ku Tagay Gobolka Daad-madheedh, Gaar Ahaan Magaalo Madax-diisa Oodweyne, Ayaa Yidhi Siddan, Isagoo Ka Hadlaya Wixii Uu Ku Arkay Deegaannadda Kala Duwan Ee Gobolka Daad-madheedh “Oodweyne Ayaanu Seexanay Safarkii Aanu Deegaanka Ku Soo Eegnay. Maagaaladdani Waxay Tebaysaa In Bulshaddeeddu Buuxiso kaalinta Dowladeed Ee Baylahda Ah Ilaa Intii Somaliland Dib Dhidibada Loogu Taagay” Ayuu Yidhi Xildhibaan Mohamed Jamaac Kood-buur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker