Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in maamulo loo dhisayo goobaha laga saaray Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe maamul loogu dhisayo deegaannada iyo degmooyinka dhowaan laga saaray Al-shabaab.

Wasiir Axmed Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in uu socdo qorshe dib loogu soo celinayo dadkii ka barakacay deegaannada lagala wareegay al-shabaab, si loo dhammaystiro adeegyada aasaasiga ah ee loo baahnaa.

Intaasi waxa uu ku daray hadalkiisa in sidoo kale deegaannada laga samnaynayo barnaamijka xasilin si Bulshada Soomaaliyeed ay ugu nagaadaan deegaannadooda.

Ururka Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay laga saaray deegaanno ku yaalla maamulada Hirshabellea iyo Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker