Suldaan Axmed Colhaye oo ka hadlay xaaladda dalka, dar-daaran iyo talooyin dhaxal-gal ahna u jeediyey Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedka

Hargeysa (OWN)- Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan marayo, waxaanu weedho waano, tusaale iyo dar-daaran ah u jeediyey Xisbiyada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo khilaaf siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay dalka u dhexeeyo.

Suldaanka oo maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu si gaar ah uga hadlay Xaaladda gobolka Sanaag, saamaynta madax-dhaqameedku ku yeesheen muranka siyaasadeed ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda iyo sidoo kale dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay wadaan guddiga is-xil-qaantay ee ku dhex-jirta Isu-soo-dhaweynta labada dhinac.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker