Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqday mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, ayaa maanta Booqday mashaariic kala duwan iyo wershedo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera, kuwaas oo ay maalgashadeen muwaadiniin reer Somaliland ahi.
Madaxweynaha, ayaa kormeeray wershedda Kalluunka ee Zakia iyo wershedda qasacadaynta kalluunka ee SOMTUNA, kuwaas oo shaqadoodu si habsami leh uga socoto xarumahooda.
Madaxweynaha, ayaa warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta gacanta ku haya wershedahaas, kuwaas oo ka warramay hannaanka wershedahaasi u shaqeeyaan, hiigsigooda fog iyo sida ay uga go’an tahay inay mustaqbalka ku filnaadaan baahida kalluun ee dalkeena gudihiisa.
Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo kormeeray xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Saaxil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker