Machadka Shaqaalaha Dawladda oo Mudo 10 Sanno Ka Dib Hantiyay Qalabkii Ugu Badnaa

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ayaa qalabkii ugu badnaa guddoonsiisay Machadka shaqaalaha dowladda si kor loogu qaado xirfada shaqaalaha xukuumadda.

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in xogtii shaqaalaha dowladda laga helay ayaa kasoo baxday in kor loo qaado xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha dowladda si ay u buuxiyaan adeegyo shacabka raali geliya “Guddida hay’adda shaqaalaha dowladdu kadib markii ay tix-raaceen xogtii shaqaalaha waxaa si weyn u muuqanaysay baahida loo qabo in kor loo qaado xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha dowladda si ay u bixiyaan adeeg hufan oo shacabka raali geliya, si taas loo gaadho, waxa aanu maanta (shalay)Machadka shaqaalaha ku wareejinay agabka waxbarashada oo dhammaystiran kaasi oo isugu jira in ka badan 700 oo kursi, sabuurado, kabadho iyo guud ahaan-ba baahida machadka ee dhanka agabka kuwaas oo wax badan ka tari doona kor u qaadida xirfada iyo aqoonta shaqaalaha dowladda ,iyada oo muddo 10-sanno ah aanu helin wax qalabayn ah ayuu qalabkani u horseedi doonaa in uu bixiyo adeeg iyo qaad intii hore ka badan”

“Tallaabadan ayaa qayb weyn ka ah hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta shaqaalaah dowladda halkaas oo aanu dhawaan rajaynayno in Machadka Shaqaalaha dowladda laga hirgeliyo gobolada kale ee dalka”

Dhinaca kale guddoomiye sharmaake ayaa sheegay in ay soo dhammeeyen xogtii shaqaalaha oo ay dhawaan bilaabayaan tayeynta shaqaalaha , waxaana uu yidhi “Kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo dhamaysay xog iyo xaqiiqo raadinta Shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa dhawaan si toos ah u bilaabmaya tayeynta Shaqaalaha Dawladda.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker