Maansadii Hiigsi

Ila dhadhami maansadii Hiigsi, ee hoga tusaalaynta iyo dhiiri galinta dhalinteenba wadatay. Maansada nuxurkeedu waa in aynaan wali gaadhin yoolkii ay raggii iyo haweenkii u soo dhintay wadankan JSL ay lahaayeen iyo in hore loo socdo oo laga rumeeyo yoolkeenii, Maansha Alaah meel fiican baynu maraynaa maantaba balse halkii aynu u soconay wali maynaan gaadhin.
Waxayna tidhi maansadu:

Maansadii Hiigsi
Maxamed Yusuf Bidhiidh (Badda)

Ha da gabay, hawraartiyo murtida, heeladiyo luuqda,
Indhowaydba, Keydow ka hadhay hollashadiisiiye,
Haasaawin mooye ma tirin hodantidiisiiye,
Ma heensaynin maansooyinkii haybadayn jiraye,
Hala-laatidiisina guntaday ama hamuun tiiye,
Hal la yeedhna goortaan arkaaan kaygii hoos dhigaye,
Hamadiina gaabsaday intay kala hufmaayeene,
Habrsashiyo hadaan gaabis arag, howlgab iyo baylah,
Halabuuro wada aamusiyo, hanado juuq beelay,
Iyo howla wada baadiyoon cidi u heelloonin,
Maba aan hawaysteen intaan maanta haybsado e’,
Aan hollodo hadeer oo kaluu haybad leeyahaye,
Sida geel horweynoo wax badan howdka lagu daayay,
Oo haraad ku raagiyo dhib iyo oon la halakoobay,
Oo haro’ la soo joojiyoo lana hormaynaayo,
Aan u horro hagaag maansade, hee dheh iyo kowba,
Aan kala horyeelee miyaan ugu horaysiiyo,
Landtani ( Somaliland-tani) halaagiyo, dhibiyo, hiifba loo tiriyo,
ee loo halaagmee wax badan holocyo loo jiidhay,
Hagardaamo loo soo maree hanado loo waayay,
Hanti waxaan lahayn iyo aduun haaddu kala boobtay,
Ee Hooyo curad weydayiyo ubadkii hoobaanta,
Hanaqaad dhalaankii wixii hanaqa loo gooyay,
Halgankii la soo galay kobtii lagu hayaamaayay,
Higsigaynu layn iyo halkii yoolku hiranaayay,
Ee ayay halyayadu madheen geesi badan hoobtay,

Heeryada ragii tuuray iyo haarufkiyo ceebta,
Haaraanta diidee na yidhi haaneedso maandeeqna,
Harag waafi Haybiyo Lixliyo hanadkii Koosaarba,
Horseed Aadan Shiiniyo Mahdiyo Dhagax hormoodkiiba,
Hassan Yoonis hiilkii tolkiyo Cadami, Haaruunba,
Iyo qaar hadoodii jirtoo maanta Herer jooga,
Ama uun u hooy galay dalkani oo hog lagu aasay,
Hamigoodu meeshu ahaa wali ma haysaane,
May hiigsanyan meel cidloo lagu hawaartaaye,
Habaab iyo mar qudha may lahayn haawi bey degiye,
Habar wacasho joogtiyo in aan hayb ku la soocno,
Hiil iyo annaa hebel ka xiga lagu hal-soocaayo,
Habqan iyo hagoognaasho xumo laysku wada hiifay,
Oo Halako dhalay dhaawac iyo halacyo waawaynba,
Hor ilaahay may filanahay habo-jaqlayn taase,
Hanuun iyo wacday eegayeen hillinkii toosnaaye,
Hibo iyo cisays eegayeen sharaf la haystaaye,
Hodon iyo nimcayn eegayeen hiigsamaad nolole,
Horseed gacansi bey eegayeen haynta korodhkeede,
Hanti iyo qanay eegayeen inad ka hiigtaaye,
Hidde iyo milgay eegayayeen taad hormuud noqone,
Hindise iyo cilmay eegayanen horumar keentaaye,
Hagaag iyo sax bay eegayeen lagu hogaantaaye,
Hal abuur halraac iyo halwaad haybad lagu daydo,
Hiigsi iyo samay eegayeen lagu hirtaa sheekhe,
Haloowgii shalay eegayeen oon dib loo hibane,

Afartaa halkii aan la rabay iyo halgaadii dheh,
Hada kalana waa eray yaroo wali haboonaaye,

Habartii halaagii bedweyn hafa’ ta yee quustay,
Hadeer iyo kolkii uu cidlada huudhi kula waabtay,
Ma hubsane halkii bay mar qudha haakah tidhi weeyi,
Iyo kii jilaalkoo habsaday dhaanka loo hila-yay,
Ee hubanti reerkuna lahaa wuu hadhow imanba.
Ee hore ka soo laabtayee hiif ku yidhi heedhe
Hartigii dhexduu igaga lumay waliba haamiiye
Iminkaan halkeedii arkaa hala-mash-layn jaane
Hayjaydaad ku taaliyo dhulkani adiga kuu heeran
Waxa halaq hareetaada yaal raba han-liicaaga
Hadaaduunka caydhiya intaa hurin jabkaagiina
Kuwa hoosta kuu jooga ee xidhan hu’gaagiina
Haammaan walaalkaa ahiyo hammamle wiilkaaya
Hambaabuqa waxaa boog qarsoon huursan guradaada
Hantaaqiyo waxaa waran ku maqan lagugu heeraayo
Halxiraale jare’ howl watiyo waxa hal-qaad muuqda
Eed waliba kala haawantaan cadho hulaabtaaye
Habacsanida kaa muuqataan kugu haboonayne
Howl iyo jid dheer baa holane, awrta wada heerya
Hakis looma baahnee dadyahow hagar baxoo yaaca
Horu soco hayaankana wadaay hiigsi waa waliye.!!

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker