Xukuumadda Somaliland oo soojeedisay in baadhitaan lagu sameeyo xisbiga WADDANI.

Xukuumadda Somaliland ayaa xisbiga WADDANI ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

Maareeyaha hay’adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, oo waraysi siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay in madaxda xisbiga WADDANI, aanay waligood u jawaabin madaxda Soomaaliya, marka ay sheegaan wax taabanaya qaranimada Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxan xisbiga WADDANI, waydiinayaa xoghayihiisa guud iyo musharixiisa, waligood muqaal ay leeyihiin oo ay Soomaaliya kula hadlayaan, ama Farmaajihii Somaliland maagay ee waxwalba ku sameeyay, ama Xasan Sheekhan maanta bu’ayay ee madaxweynuhu u jawaabayay bal eray ay yidhaahdeen soo saar”.

Waxa uu xisbiga WADDANI usoo jeediyay in ay umada u sheegaan sababta ay ugu jawaabi waayeen madaxda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay sheegaan haddii Soomaaliya sir ka hayso iyo in kale.

Waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI, looga fadhiyo in ay ka jawaaban hadalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay dalka Maraykanka, ee uu ku sheegay in aanu ogolayn madaxbannaanida Somaliland.

Dhinca kale, waxa uu boggaadiyay xisbiga kale ee mucaaraka ah ee UCID, oo uu sheegay in uu meel adag iska taago markasta oo madaxbannaanida Somaliland lasoo weeraro. Waxa uu soo jeediyay in la baadho sababta keentay in madaxda WADDANI aanay wax jawaaba siin madaxda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker