Maraykanka iyo Taliban oo mar kale maxaabiis isweydaarsaday

Ururka Taliban ayaa Isniintii shalay sii daayey Mark Frerichs, oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo gacanta ugu jiray ururkaas, iyaga oo ku bedeshay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Maraykanka, ka dib markii lagu xukumay madaxaa haku furto ama xabsi daa’in.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee xukuumadda Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul, in xukuumaddiisa iyo dawladda Maraykanku inay maxaabiista isku dhaafsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan.

Maxbuuska la sii daayey oo ahaa muwaadinkii ugu dambeeyey ee Maraykan ah oo gacanta ugu jiray ururka Taliban, ayaa da’iidu ay ahayd 60 jir isaga oo ahaa Injineer, hore uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka, wuxuuna gacanta u galay kooxda Taliban, sannadkii 2020, xilligii oo ay ciidamada Maraykanka iyo NATO ay la dagaalamayeen kooxda Taliban.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Frerichs uu haatan ku so laabanayo gurigiisii ka dib markii afduub loo haystay muddo gaadhaysa illaa 31 bilood. Biden ayaa sheegay inuu la hadlay qoyska Frerich, isaga oo la wadaagay warka farxadda leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker