Baadariyo lagu afduubtay Cameroon

Siddeed qof oo ay ku jiraan badaariyo ka tirsan Catholic iyo dad cibaadeysanayay ayaa waxaa qafaashay kooxo gooni u goosed ah oo ka dagaallama koonfur galbeed dalka Cameroon.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa dab qabadsiisay kaniisadda xilli ay weerarka ku qaadeen deegaanka Nchang. Ma jirto cida sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Mas’uuliyiinta kaniisadda Catholic-ga ee aggaas ayaa sheegay inay ka naxeen weerarka.

Waxay sheegeen in dadkii ku cibaadeysanayay halkaas ay bartilmaameed u noqdeen hanjabaadaha iyo afduubka tan iyo sanadkii 2016-kii.

Mid kamid ah waddaadada ayaa BBC u sheegay in kooxaha afduubka geystay ay codsanayaan in la siiyo lacag madaxfurasho ah.

Deegaannada dhaca waqooy galbeed iyo koonfur galbeed Cameroon waxaa ka dhacay dagaallo uu dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay kooxaha gooni u goosadka ee ka howlgala gobolka af-Ingiriiska looga hadlo iyo dowladda.

Waxaa colaaddaas ku dhimatay in ka badan 6,000 qof halka ku dhawaad hal malyan qof ay guryahooda ka qaxeen, sida laga soo xigtay International Crisis Group.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker