WASIIRNIMO WAA (CHICKEN FEED) SHACAB MA WALAALAYSO.DAWLAD LA WADA LEEYAHAY BAA SHACAB WALAALAYSA.

Markaynu dhinaca yara dhigno Taariikhdii Muse ilaa Xukuumaddii  Cabdirahman Tuur, tii Cigaal iyo tii Riyaaleba waxaynu u soo joognay tii  Siilaanyo iyo dhibaatooyinkiisii iyo murankiisii iyo  dagaalankiisii maqaamka hooseeyey ayeynu shacab xumaanteenu  maanta shookaantii wadanka u dhiibnay  Durba labadii sano  ee u horeeyey  haddaad isu  geyso waxaa muuqda (reflection) aad u foolxun  oo beeshii caalamka ay ficilooyinkiisa la biyo  diideen  oo mandaqadda uu khataro cusub ku keeni karo sida  dhaqsaha leh ee uu distoorkii wadanka  u laalaabayo. Wuxuu awoodii kala wareegay Maxkamaddii Sare ee joojin lahayd, wuxuu mariiqii ka siibay  Baarlamaankii joojin lahaa Distoor jebinta oo kordhin qayrul sharci ah kula heshiiyey , guurtidii oo iyadu horeba u dhimatay  oo si xaaraan u qaadata lagacta cashuurta dadka iyadoo aanay wadanka waxba ugu filayn oo dimuqraadiyaddii ceebeeyey doorasho diiday kolba kii kursiga yimaadana kordhin xaaraana ula diyaara ah mid waloo ka mida waa in shacabku dagaal la galaan oo xanuujiyaan. Imika waxay maraysaa asxaabta mucaaridka looma baahna, wasaarad walba reer qudhaa ka shaqaynaysaa iyo hay and kasta soconmaayaan waxaasi dadkiina waa kuwaa bilaabay inay Mogadishu u qaxaan una shaq tagaan, waxaana soo socda in ay Mogadisho lagaga dhawaaqii doono xoraynta SOMALILAND oo markaa ay difaaca Xukuumadda Muse  reerkoodu  ha diyaar garooobaankeligood difaaca shaqooyinkooda. Eega Madaxtooyada shaqaalaheeda iyo madaxda uu ciidamo ka dhigtay iyo kursi  kasta uu reer koodii dhigay dadka kale ma faraajiinbaa. Adduunka Xukuumadda shacabku dagaal la galo oon dumin lama arag , markaa  nin jecel iyo nin necebba Xukuumadda Muse ee qoysnimada iyo hunguri xumada muujisay way dhacaysaa dadkuna wuu nacayaa marka dhillinyaradu Mogadisho Reerkooda uga soo diraan biilka reer walba xamar buu  jeclaanayaa arooskii Hargeysa ka dhici  lahaa Mogdishuu ka dhacayaa waana loo qulqulayaa waana la hubaa taa.

Dhalin yaradii rag iyo dumar Mogadisho shaqooyin baa loogu yeedhayaa oo ciidamadaa la qorayaa oo weriyaal baa ay noqonayaa oo gobola doodaa shaqaale loogu soo dirayaa Sool, Sanaag iyo Awdal marka xiga Hargeysaa loo soo diri indhaheenna oo shana. Dhalinyaradii jaamacadaa dhammeeyey noolkii Xamar bay urur sanayaan maanta.
Miskiinkankan ay Muse isku reer ka yihiin ee dadka  uga dhigaya  in wasiirnimo reer SOMALILAND ku soo heshiiiyeen waar  beenta ha qoran wixii reer SOMALILAND ku soo heshiiyey Dawlad la wada leeyahay bay ahayd waa xaaraan iyo talo boob iyo maal boob iyo maamul boob DAWLADDU WAA SHAN DHARDHAAR SHANTAASI WAA MADAXWEYNAHA IYO MAXKAMADDA SARE IYO GUURTIDA IYO GENERALKA CIIDAMADA IYO MADAXDA CIIDAMADA EE GOBOLADA IYO MADAXDA BOOLIISKA  iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo madaxbannaan INTAA MARKA  REER QUDHI ISKU  TAXO  EE JOOGTEEYO EE CID KALE U DIIDO  CADDAALADI DHIMATAY  DOOROSHO DHIMATAY KOMISHAN DHIMAY  HAYADO IYO SHAQOOYIN LOO SIMANYEY DHIMMATAY WAX KASTAA DHINTE. INA SULUB WASIIR KAAD SIISAY WAA CAY BAY KU TAY GARXAJIS  IYO REERAHA KALEE WASIIR KA LOO TUURTUURAYO WAXAA SOO DHAN DAWLADII XUMAA EE ADDUUNKA KU SOO DUMAY BAA SAMAYNAYSAAN WAXAASI waa (chicken feed) waa cadka yar yar ee digaagga loo tuuro  INA SULUB KAAD SHEEGAYSAAN MAANTA DIGAAGAD BUU LA QIIMAYEY GARXAJIS WAX GARADKIISA.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker