Al-Shabaab oo laga la wareegay deegaan ay ku lahaayeen maxkamad

Militeriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Booco oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida uu baahiyay teleefishinka qaranka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ‘dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda’ ay gacanta ku dhigeen deegaanka Booco oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen maxkamad iyo saldhigyo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 100 dagaalyan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgallo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker