Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidku dalkan ay ka wadeen.” Cabdiraxmaan Cirro

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Soo Dhaweeyaay Go’aankii ay Maanta Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Isku Saareen Labada Doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasada

Waxanu sheegy in Go’aanka ay maanta gaadheen Mudanayaasha Golaha Wakiiladu Soo Afjaray Khilaafkii iyo Murankii Doorashada Waxanu Sidaasi ku Sheegay Qoraal uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook oo u dhignaa Sidan:.

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer-dajiyayaal) oo maanta si ay Qarankeenna uga badbaadiyaan khilaaf siyaasi ah, iyo mid Dastuuri ahba ansixiyey in la isku sidko doorashada Madaxtooyada JSL iyo doorashada Ururrada Siyaasadda/Xisbiyada Qaranka isla markaana qabyo tiray Xeerarkii Doorashooyinka khuseeyey oo dhan.

Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidku dalkan ay ka wadeen. Hambalyo mar labaad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker