Labo askari oo lagu tooriyeeyey London

Laba askari oo booliiska ah, ayaa loola cararay isbitaal, kadib markii lagu tooriyeeyay bartamaha London, booliska magaalada ayaa sidaasi sheegay.

Tooriyeynta ayaa waxay ka dhacday meel u dhow fagaaraha Leicester, Dhaawacyada maaha kuwo nafta booliiska halis gelin kara.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa weerarka ku tilmaamay mid aad loogga naxo, iyadoo ku soo beegmay waqti muhiim ah, oo ay UK u taallo hawlo muhiim ah.

Nin ayaa la qabtay, isagoo loogga shakisan yahay inuu jirkiisa dhaawac weyn u geystay, iyo inuu weeraray shaqaale gurmad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker