Ciidanka Alsluubta Somaliland ayaa Beeniyaay War Ay Sheegan in Laga Been Abuurtay
Taliska Ciidanka Asluubta Jsl waxaa uu halkan ku beeninayaa wararka waxba kama jiraanka ah ee 14/09/2022 oo ahayd Arbaca baraha bulshada lagu baahiyay khaasatan barta uu Facebook ku leeyahay Bakayle Media oo ah wiil ku sifoobay xog aanu hubin ama dhinacyadii ay khusaysay aanu wada waraysan inuu siidaayo, kuna sifoobay qaran dumisnimo, warkaas oo uu ku sheegayay in Xabsiga Gobolka Gabiiley lagu wax yeeleeyay oo indhaha ay ku beeshay inanta magaceeda iyo faahfaahinteedu tahay (Idil
Ismaaciil Xasan ina Maryan C/laahi, D/23 jir, Qodob:- 313 XCG, Xuk:-1 sano).
Haddaba, waxaanu bulsho weynta Jamhuuriyada soomaaliland u cadeynaynaa in warkaasi waxba kama jiraan yahay, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada xabsiyada dalka jsl, inantaasina ahayd maxbuusad aanu mas’uul ka ahayn oo aanay marnaba suurtogal ahayn in aanu kula kacno waxyaabahaa la sheegayo. Xeerka Xabsiyada Dalka Jsl ee Xlr. 65/2014 aanu sinaba u cafiyin cida ku kacda maxbuus falalka
noocaas ah, balse markii ay inantaasi waxyeeladaa Taliye Xabsiga ku soo war-gelisay sida ay sheegtay inantaasi aanu waalidiinteed oo goob-joog ah marinay tiraba sadexda cusbitaal ee kala ah Gabiiley Hospital, Menhal Hospital iyo Haldoor Hospital oo dhamaantood cadeeyay indhaha ay ka cabanayso inantaasi in ay caadi yihiin, Balse neerfaheedu kacsan yihiin dawooyina ay u soo qoreen, horena ay hooyadeed u sheegtay in ay leedahay neerfahaas, sidaasna ay noogu war-dambeysay.
Sidaa darteed, Taliska Ciidanka Asluubta Jsl waxaa uu u soo jeedinayaa cid kasta oo ku hawlan warar been abuur ah in ay bulshada ku jaah-wareeriyaan in ay ka waantoobaan, kiiskaasina cidkasta oo wax naga waydiiso marag iyo markhaatiyo aanu u haysano, cida ka been abuuraysana aanu hay’addaha garsoorka aanu u gudbin doono.
Allaa Mahad Leh.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Asluubta JSL.




