Golaha Amaanka oo kulan ka Yeelanay Xalada Somaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Soomaaliya, waxaana kulankan uu kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.




