Aafada Covid-19: casharo ay tahay in aynu ka faa’iidaysano

 

Aafadan COVID-19 waxa inoogu jira casharo waawayn oo ay tahay in aynu ka faa’iidaysano, bulsho ahaan iyo gaar ahaan aqoonyahanka iyo hogaanka dalka. COVID-19 waxa uu dibada soo dhigay god-daloolooyinka caafimaad ee dowlado waawayn, inaga, laakin waabuu ina qaawiyay. Waxaana laga yaabaa in uu ina baraarujiyo.

 

Ugu horayn waa wakhti lumis qaylo dhaanta hoose ee tafaariiqda ah ee gobolkastaa ku naadinayo biryar oo ka maqan. tusaale gobol hebel Dhooli ayay raadinayaan, gobol hebelna mask iyo gloves lama gaadhsiin, degmo kale iyada wali lama xasuusan ba. baahiyaha noocan ah waa gar laakin ma’aha meeshii laga halgan geli lahaa. Kawaran hadii ambulance laguugu deeqo, sida imikaba dhacday, laakiin aanad hayn ciddii dayac tiri lahayd, aanad hayn ugu yaraan kontonka dawo ee ay tahay in markasta ay ambulance ka saarnaadaan; kawaran hadii paramedics aanay kuuba tababarnayn. Intaas oo dhan ka kaalay, ambulance ku halkuu qofka buka kula ordayaa? yaase kaga horeeya ee dhakhtarka kusii sugaya?. Kawaran hadii aanay oksajiinba oolin halka qofka lagula ordayo.

 

Nidaamka caafimaadku waa mareeg isku xidhan oo ay tahay in uu sigib time. Waxa layidhaa Jabaniiska ayaa ku maahmaaha “Kalluunku madaxa ayuu ka qudhmaa”, nidaamka caafimaadka dalkeenu  tin iyo cidhib meel u fayow malaha. Wuxuu u baahan yahay in dib oo aasaaso; in dib loogu noqdo waxan inoo dhisani unuu yahay Nidaam Caafimaad oo dhab ah iyo inkale.

 

COVID-19 wax badan kama qaban karno,oo wacyi gelin ka hortag ahayn: intii ilaahay ugu talo galayna way ku hoyanaysaa, laakiin maxaynu ka baran karnaa. Maalinta uu ina dhaafo maxaa cashar ah ee laga faa’iiday. Waxa la saadaalinayaa in Fayraskani mowjado is daba socda yeelan karo, Inagu, hadiiba ay timaado, sidee mowjada labaad iyo ta saddexaad ugu diyaar garownaa.

 

Somaliland lama odhan karo adduun la’aan dhowr cusbitaal oo darajada koobaad ah lagu sameeyo ayaa lawaayay, ama aqoontiibaa la la’yahay, aqoonta si fudud ayaa loo iibsadaa, Laakiin maxaa inaga maqan? Waxaan isleeyahay rabitaan siyaasadeed ayaa inaga maqan,, adiga maxay kula tahay?

 

Sidaa darteed aynu kor u qaadno rabitaankeena.Aynu abbaarno halka wax ka qaldan yihiin, af iyo adinna isugayno. Hadii go’aan adag oo masiiri ah la helo waa la heli ambalaas, iyo wixii lamid ah laakin hadaynu sida habqan usii ahaano, sidaa uunbaa oksajiin, cudbi iyo maqas loo raadin.

 

Dr-abdikarim D Hassan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker